Saraakiil ka socda dowladda Itoobiya iyo maamulka la magacbaxay Soomaaliland ayaa gaaray deegaanno kamid ah gobolka Awdal, halkaas oo ay dhacaan deegaannada xeebaha ah ee ay Xabashidu dooneyso iney saldhig milliteri iyo dekad ka sameysato.
Saraakiisha Itoobiyaanka ah ayaa kormeer ku sameeyay goobaha uu qorshuhu yahay iney degaan, waxaana madaxda ka socota maamulka Soomaaliland ay isku dayayeen in dadka deegaanka ay ka gadaan Itoobiyaanka, oo ay u muujiyaan in dhankooda dan ugu jirto heshiiska.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa si dardar leh ku wada in is-afgaradkii ay la gaartay maamulka labaxay Soomaaliland u bedesho heshiis rasmi ah, waxaana labada dhinacba ay tilmaamayaan in dhawaan la saxiixii doono.
Dhagayso Booqashada Saraakiisha Itoobiyaanka ee Awdal.