HomeAll newsAskar Ka Goosatay Dowladda Federaalka oo Isku Dhiibay Al-Shabaab.

Askar Ka Goosatay Dowladda Federaalka oo Isku Dhiibay Al-Shabaab. [DHAGAYSO]

 

Waa askar horey isugu dhiibay maamulka Al-Shabaab ee Jilib.

Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, ayaa saxaafadda usoo bandhigay askar katirsan ciidamada Dowladda Federaalka oo kasoo baxay xubinnimadii Dowladda Federaalka.

Askartan oo tiradoodu gaareyso illaa 2 askari, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed Aadan Afow, oo kusoo tababartay dalka Ereteriya, kunaa sugnaa magaalada Baladweyn, iyo Aadan Cadow Isaaq oo kusoo tababartay dalka Uganda, kuna sugnaa deegaanka Cadcadeey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxay shaaca ka qaadeen iney go’aan ku gaareen iney isaga baxaan safka Dowladda Federaalka, iskuna dhiibaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, si diiran ayaana loogu soo dhaweeyey degmada Buq-aqable ee wilaayada Hiiraan.

Qulqulka ciidamada Dowladda Federaalka ee isku dhiibaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa isasoo taraya, waxaana muuqaneysa in askartu ka faa’ideysanayaan fariimo wacyigelin ah oo uga timaada ehelladooda iyo masuuliyiinta Al-Shabaab, oo ku aadan inaaney u wanaagsaneyn iney ka garab dagaallamaan Shisheeyaha dalkooda kusoo duuley.

Halkan ka dhagayso Askarta isku dhiibay Al-Shabaab.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular