Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay hubkii badnaa ee dhawaan lagu furtay magaalada Caabduwaaq ee gobolka Galgaduud, kaasoo ku rarnaa gawaari xamuul ah oo ka yimid dhinaca deegaananda dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida.
Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya Nebiyu Tedla oo la hadlay idaacadda afka Maraykanka ee VOA, ayaa sheegay in hubkii Caabudwaaq uu yahay masuuliyadda Dowladda Federaalka, iyaduna wax laga weydiinayo wixii la xiriira.
Mar su’aal laga weydiiyay in hubkaas ay dowladda Itoobiya ka iibisay Dowladda Federaalka ama jiho kale, wuxuu afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya diiday inuu wax ja waab ah ka bixiyo su’aashan.
Dhawaan ayaa wasaaradda arimaah dibadda ee Dowladda Federaalka, waxay waraaqad u dirtay safaaradaha ay ku leedahay caalamka, warqadaas ayaana lagu sheegay in Itoobiya ay dalka Soomaaliya soo gelisay hub sharci darro ah.
Ilaa iyo hadda majirto cid si rasmi ah u sheegatay iney hubkan iyadu leedahay, laakiin falanqeeyayaasha waxay aaminsanyihiin in hubkan ay kasoo soo iibstay Dowladda Federaalka xukuumadda Adis Ababa, lana doonayay in lagu huriyo colaadaha u dhexeeya qabaa’ilka Soomaalida.