Taliyaha ciidamada qarsoon ee ilaalada madaxda dalka Maraykanka haweeneyda lagu magacaabo Kimberly Cheatle ayaa ku dhawaaqday iney isaga tagay xilkeeda, kadib fashilkii kasoo gaaray toogashadii lagu dhaawacay Donald Trump.
Wargeyska Washington Post ayaa daabacay warbixin la xiriirta in haweeneydan ay gudbisay istiqaalo rasmi ah, iyadoona xubnaha qeybta ka ah jihaazka amniga ee ciidamada qarsoon ay ku wargelisay iney iyadu qaadaneyso masuuliyadda fashilka dhacay.
Haweeneydan ayaa ku weysay taageerada saraakiisha la shaqenayay, weerarkii dhawaan lagu qaaday Donald Trump, ee lagu doonayay in lagu toogto, waxana ay sheegtay inaaney sii wadi karin shaqada.
Laanta ciidamada qarsoon, ayaa ah ciidan hoostaga wasaaradda arimaha gudaha ee Maraykanka, waxaana loo dhisay ilaalinta madaxweynaha xilka haya, madaxdii soo maray Aqalka cad, musharixiinta xilka madaxtnimada iyo shakhsiyaadka muhiimka ah ee Ameerikaanka ah.