HomeAll newsMilliteriga Niger Oo Qirtay Ciidamo Looga dilay Xuduuda Burkina Faso.

Milliteriga Niger Oo Qirtay Ciidamo Looga dilay Xuduuda Burkina Faso.

War rasmi ah oo laga sii daayay telefeshinka wadanka Niger ayaa lagu sheegay, in dagaallo ka dhacay deegaanno dhaca xuxduuda dalalkaas la wadaago Burkina Faso, ay ka dhasheen khasaare lixaadleh oo gaaray ciidanka wadankaas.

Dagaallada oo ka dhacay deegaannada xuduuda gaar ahaan meel udhow deegaan lagu magacaabo Bankiilari, ayaa dhexmaray ciidamada milliteriga iyo rag hubeysan, oo ay milliterigu ku tilmameen kooxo argagaxiso ah.

Sida lagu sheegay warka laga sii daayay telefeshinka milliteriga, waxaa dagaalladaas lagu dilay ugu yaraan 15 askari oo katirsan ciidanka Niger, halka ay dhaawacmeen 16 kale, waxaana nolol iyo geeri lagu la’yahay ugu yaraan 3 askari, kuwaasoo ay suuragal tahay in maxaabiis ahaan gacanta loogu dhigay.

Marka laga yimaado khasaaraha nafeed ee gaaray ciidanka Niger, wuxuu milliterigu qirtay in dagaalladan looga burburiyay labo gaari oo noocyada gaashaman ah, oo ay wateen ciidanka la kulmay weerarka culus.

Niger, Burkina Faso iyo Maali, ayaa waxaa si dardar leh uga howlgala jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin, taasoo mandiqadda saaxilka Afrika ka wada halgan Jihaadi ah, oo ay ku dooneyso iney dhulkaas kaga saarto ciidamada Shisheeyaha, kagnaa dhisto dowlad Islaami ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular