HomeAll newsGanacsatada Gawaarida ee Muqdisho Oo Cabasho Ka ah Wasaaradda Gaadiidka DF.

Ganacsatada Gawaarida ee Muqdisho Oo Cabasho Ka ah Wasaaradda Gaadiidka DF.

Ganacsatada Gaadiidka iibiya ee gobolka Banaadir, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay DF gaar ahaan wasaaradeeda Gaadiidka.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ayey ku sheegeen, in gaadiid ganacsi ah oo ay leeyihiin uu dekadda Muqdisho uga xayiranyahay muddo 15 maalmood ah, islamarkaana maalin waliba laga qaado lacag kiro ah oo gaareysa 10 doolar.

Waxay sheegeen in dekadda ay ka yaallaan boqolaal gawaari ah, kuwaasoo canshuurta ay DF qaadato ka bixiyeen, hase ahaatee ay wasaaradda Gaadiidka DF u sheegtay inaan loo fasaxeyn.

Dhibaatada heysata marka laga yimaado lacagaha maalin kasta laga qaado ayaa ah in gaadiidka uu daxleysanayo, taasoo hoos u dhigeysa qiimaha lagu iibin doono.

Dhagayso Cabashada Ganacsatadda Gaadiidka ee Xamar.mp3

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular