HomeAll newsBooliiska Uganda Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Banaanbaxyo Dhigayay.

Booliiska Uganda Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Banaanbaxyo Dhigayay.

Ugu yaraan 42 ruux oo dhalinyaro Ugandhees ah ayaa xabsiga la dhigay maalmihii Talaada iyo Arbacada, kuwaasoo lagu eedeeyey iney ku kaceen falal ka dhan ah amniga, xilli ay ka qeybgalayeen banaanbaxyo looga soo horjeedo musuq maasuqa oo ka dhacay magaalada Kampla.

Maxkamd ku taalla dalka Uganda ayaa amartay in xagsiga la dhigo dhalinyaradan, iyadoo lagu wado in mudooyinka soo aadan ay kasoo muuqdaan fadhiyada maxkamadda, suuragalna tahay in xukunno xabsi ah lagu rido.

Mid kaid ah looyarada wadanka Uganda oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay iney ka qeybgaleen fadhi maxkamadeed iyagoo matalaya dhalinyarada xabsiga loo taxaabay.

Eedeymaha loo soo jeediyay dhalinyarada xabsiga la dhigay ayaa waxaa kamid ah fowdo iyo kicin dadweyne sida hadalka loo dhigay, waana eedeymo culus oo keeni kara xabsi.

Maalintii Talaadada ee aynu soo dhaafnay, waxaa dalka Uganda gaar ahaan magaalada caasimadda ah ka dhacay bananabaxyo ay dhigayeen dhalinyaro kasoo horjeeda musuq-maasuqa, iyagoo ku eedeeyay dowladda Uganda iney arintaasi ku tilmaamantahay.

Hay’adda Human Rights Watch ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in tallaabada ay ciidamada ammaanka Uganad ku xireen dadka banaanbaxyada dhigaya, ay muujineyso sida dowladda aaney wax ixtiraam ah ugu heynin in dadku fikradahooda ay cabiraan, sida ay warka u dhigtay.

Inta aaney dhicin banaanbaxyadan, oo uu abaabulkooda socday, waxaa madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ku goodiyay inuu tallaabo ka qaadi doono dibadbaxyaasha, oo uu sheegay iney dab ku ciyaarayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular