Duleedka degmada Ruun-Nirgood ee gobalka Sh-dhexe ayaa waxaa 3 maalmood kahor ka dhacay, afduub ay ciidamo katirsan dowladda federaalka ugeysteen gaadiid ay leeyihiin dad rayid ah.
Illaa 3 gaari oo ay lahaayeen dad shacab ah islamarkaana siday shidaal iyo badeecado kale, ayay weerar ku qaadeen ciidamada, kuwaas oo ay dowadda fedaraalku ku tilmaamtay inay lahaayeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Balse waxaa arrinkaasi beeniyay edellada ganacsatadii iska laheyd gaadiidkaas, iyagoona sheegay in si bareer ah lagu qaatay hantidooda, horraanna ay askartu udhaawaceen qof shacab ah oo isla aagaas marayay.
Halkan ka dhagayso Ehellada oo warbaahinta la hadlay.