Wargeyska The Gurdian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, ayaa tilmaamay inuu heley dukumentiyo sir ah oo cadeynaya in dowladda Imaaraatka ciidamo qarsoodi ah u diratay dalka Suudaan, kuwaasoo taageero siinaya malleeshiyaadka RSF ee dagaalka kula jira milliteriga Suudaan.
Wargeyska ayaa tilmaamaya inuu xogo ku heley in burburka diyaarad milliteri oo ay lahaayeen kooxda RSF laga heley baasabooro Imaaraat ah, taasoo ka dhigan in ciidanka saarnaa diyaaradaas ee dhintay ay ahaayeen duuliyeyaal milliteri oo katirsan ciidanka Imaaraatka Carabta.
Qoraal dukumenti ah oo ka kooban illaa 41 page ayaa loo diray golaha ammaanka, waxayna dukumentiyadaas tilmaamayaan in baasaboorada la helay ay ka tarjumayaan in Imaaraatka Carabtu ciidamo usoo diray wadanka Suudaan.
Baasbooradan Imaaraatiga ah waxasa laga heley mandiqadda Umu Durmaan, halkaas oo ay ka dheceen dagaallo culus oo markii dambe loogu awood sheegtay malleeshiyaadka RSF ee kasoo horjeeda milliteriga talada gacanta ku haya.
Xogaha ku qoran baasbooradan la heley, loona gudbiyay golaha ammaanka, kana marqaati kacaya gacant ay Imaaraatku ku leedahay dagaalka Suudaan, ayaa kala ah labo ruux oo ku dhashey magaalad Dubai, mid ku dhashey magaalada Al-Ceyn iyo mid kaloo kasoo jeeda magaalada Cajmaan oo ah magaalada shanaad ee ugu dadka badan Imaaraatka Carabta. Da’da dadka iska leh baasabooradan ayaana u dhexeysa 29 sano illaa 49 sano.
Sarkaal la hadlay wargeyska The Gurdian balse diiday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado, arkeyna baasabooradan ayaa sheegaya iney lahaayeen sida muuqato saraakiil kasoo jeeda dalka Imaaraatka Carabta.
Xogaha cusub ee uu wargeysku baahiyay, waxay kaloo sheegayaan in dowladda Imaaraatka Carabta dagaalka Suudaan ay ka qeybgelineyso malleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal ah oo ay kasoo qoratay dalalka caalamka.
Inta haatan la ogaaday, waxaa malleeshiyaadka RSF ka barbar dagaallamaya kamid ah murtazaqo laga keeney dalka Yemen, kuwaasoo xogahooda ay gacanta ku dhigeen ciidamada milliteriga Suudaan.
Inkastoo galaalgalka Imaaraatku ku leeyahay dagaalka Suudaan muuqdo, hadana horey waxay dowladda Imaaraatka Carabta isaga diiday dhamaan eedeymaha la xiriira iney ku lug leedahay colaadda dalka Suudaan.
Laakiin xogaha cusub ee hadda la heley ayaa ka dhigan cadeymo muuqda oo la xiriira kaalinta Imaaraatka ee dagaalka Suudaan, waxaana falanqeeyayaashu sheegayaan iney sii adkeyneyso cadaadisyada caalami iyo kuwa gobolka ee saaran Imaaraatka Carabta.
Dowladan oo garab iyo hiil u ah Maraykanka iyo Yahuudda, ayaa ku tilmaaman u ololeynta burburka iyo xasilooni la’aanta, waxaana ay ku lug leedahay badi colaadaha ka taagan wadamada caalamka Islaamka.
Suudaan, Yemen iyo Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay dowladda Imaaraatka Carabta faragelinta milliteri ee tooska ah ku heyso, dalalkan ayayna ka wadaa dhibaato ba’an oo ay u geysaneyso dadka muslimiinta ah.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa bishii Shacbana ee sanadkii 1445-ta hijriyada, waxay howlgal Inghimaasi ah ka fulisay saldhiga Gordan oo uu Imaaraatku ku tababarayay askar Soomaali ah oo uu ku fushado danihiisa.
Howlgalkaas ayaa dhegta dhiiga loogu daray saraakiishii ugu muhiimsanaa ee horboodayay duullaanka Imaaraatka Carabta ee dalalka Yemen iyo Soomaaliya, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana sheegtay inuu aargud ahaa howlgalkaas muslimiinta caalamka ee la dhiban falalka gurracan ee dowladda Imaaraatka Carabta.