HomeAll newsMaamulka Soomaaliland Oo Ka Horyimid in Ciidamo Turki ah Yimaadaan Xeebaha Soomaaliya.

Maamulka Soomaaliland Oo Ka Horyimid in Ciidamo Turki ah Yimaadaan Xeebaha Soomaaliya.

Iyadoo dowladda Turkiga ay qorsheyneyso in dhawaan ciidamo ay keento Xeebaha Soomaaliya, qorshahaas oo qeyb ka ah boobka kheyraadka badda Soomaaliya, ayaa maamulka Soomaaliland ee Xabashida xiriirka dhow la leh wuxuu si adag kaga horyimid tallaabadan.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay in maamulkoodu kasoo horjeedo tallaabo weliba oo ciidamo Turki ah lagu keenayo xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa dhaca deegaannada wuqooyi galbeed Soomaaliya.

In ciidamo Turki ah ay ka howlgalaan xeebaha wuqooyi ee Soomaaliya, ayuu maamulka Soomaaliland ku sheegay iney tahay mid ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ah, kuna tirinayaan kutumasho bareer ah oo loo geysanayo madaxbanaanida maamulkooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee maamulka la baxay Soomaaliland ayaa lagu sheegay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka codsanayaan inuu soo farageliyo arintan, dhinacyada oo dhamina ay dhowraan waxay ugu yeeraan qawaaniinta caalamiga ah.

Maamulka labaxay Soomaaliland ayaa ah maamul u xusul duuba inuu ka go’o Soomaaliya inteeda kale, waxaana damacaas ku taageeraya dhinacyo Shisheeye oo ay dowladda Itoobiya kamid tahay.

Wuxuu horey maamulka Soomaaliland u siiyay dowladda Itoobiya qeyb kamid ah badda Soomaaliya, iyadoo hadda Xabashidu doonayaan iney saldhig milliteri iyo dekadba ka sameystaan qeybo kamid ah xeebaha mara gobollada wuqooyi galbeed Soomaaliya.

Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka jira dalka, ayaa mid weliba wuxuu ku daabanyahay Shisheeye, wuxuuna doonayaa in Shisheeyahaas uu xiriirka la leeyahay qaato oo boobo kheyraadka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular