Ciidamada dowladda Kenya ee duullaanka ku jooga qeybo kamid ah dalka ayaa degaanka Qooqaani ee gobalka Jubada-hoose waxa ay si bareer ah ugu dileen, Aadan Mowlid Cabdi oo ahaa wiil dhalinyaro ah kana mid ahaa xoola dhaqata iyo beeraleyda degaanka.
Dilka kadib waxaa degaanka ka billawday dibadbax ay dhigayaan bulshada halkaasi ku dhaqan, kaas oo ay kaga soo horjeedaan falka ay ku kaceen ciidanka Kenya.
Ciidamada Kenya ayaa kamid ah ciidamada shisheeyaha ee duullaanka ku jooga qeybo kamid ah Soomaaliya, waxaana ay geysanayaan tacadiyaad joogta ah oo ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed.