HomeAll newsTaliyaha Saldhiga Afmadow oo Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Jubbada Hoose..

Taliyaha Saldhiga Afmadow oo Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Jubbada Hoose..

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gaar ahaan guutooyinka qaraxyada ee ka howlgala gobalka Jubada-hoose ayaa waxa ay maanta fuliyeen howgallo qaraxyo ah, kuwaas oo lagu beegsaday askar katirsan maamulka la baxay Jubbaland.

Qaraxa koowaad waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen, duleedka degaanka Janaa-cabdalle oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada-hoose.

Gaari C/Bile ah oo ay askartu wateen ayuu haleelay qaraxa, waxaana halkaasi ku dhintay ugu yaraan 4 askari oo katirsan maamulka la baxay Jubbaland, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Sidoo kale waxay guutooyinka qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah ka fuliyeen, duleedka degmada Afmadow oo katirsan isla gobalka Jubada-hoose.

Qaraxaan ayaa waxaa lala beegsaday gaari Saksiik ah oo ay wateen askarta Jubbaland, waxaana lagu dilay taliye kamid ah boliska Afmadow.

Taliyaha saldhigga degmada Afmadow Ibraahim Deeq ayaa isana ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay duleedka degmada Afmadow ee gobalka Jubada-hoose.

Howlgalladaan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan weeraro cagmarinno ah oo ka dhacay degaanno 3 ah oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo lagu dilay, in ka badan 70 askari oo isugu jira dowladda fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular