Bulshada ku dhaqan gobalka Togdheer ayaa sheegay in Maamulka la Baxay Somaliland uusan waxba ka qaban biyo la’aan ka jirta qeybo Kamid ah gobalka.
Dadkaan oo ku dhaqan degmada Qoryaale oo katirsan gobalka Togdheer ayaa shaaca ka qaaday, in magaalada iyo degaanno kale oo hoos yimaada ay ka jirto biyo la’aan.
Waxa ay tilmaameen in maamulka Somaliland uu ku fashilmay, in uu ceel biyoodyo ka qado magaalada, taas oo sababtay in xaalad adag oo dhanka biyaha ah ay soo food saarto.
iyaha ayay sheegeen iney hadda ay magaalada ka joogaan 2$ taasna aysan xamili karin, iyagoo maamulka la baxay Soomaaliland ku eedeeyey iney ku been abuurteen degmada iyo deegaanno kale oo gobolka katirsan.
Halkan ka dhagayso cabashada dadka ku nool gobolka Togdheer