Habeenkii xalay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaaa qaaday weeraro ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo ay ku beegsadeen ciidamada Shisheeyaha.
Haddii aan ku hormarno gobolka Shabeellaha Hoose, ciidamo hubeysan oo katirsan milliteriga Al-Shabaab ayaa weerar ku ekeeyey, saldhiga ciidamada Uganda ee qeybta ka ah shisheeyaha ATMIS ku leeyihiin deegaanka Laanta-buuro.
Hugunka hubka labada dhinac ay isweydaarsanayeen ayaa laga maqlayay deegaanno ka baxsan goobta dagaalka, maadaama xilligu ahaa waqti habeen ah oo uu jawigu deganyahay.
Si lamid ah, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday, saldhiga ciidamada Burundi ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Inkastoo la rumeysanyahay in labada weerar ee ka kala dhacay Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ay geysteen khasaare kala duwan, hadana weli ma aanan helin xogo rasmi ah.