Madaxweynihii hore ee Dowladdii kumeel gaarka ah, ahna siyaasyi u hanqal taagaya kursiga Villa Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, dhanka amniga, hubkii dhawaan lagu furtay Caabudwaaq, arinta doorashooyinka, heshiisyadii ugu dambeeyay ee dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Turkiga.
Marka laga hadlo dhanka amniga, wuxuu sheegay Shariif Sheekh Axmed inaanu jirin amni la isku halleyn karo, dalkana ka socdaan dagaallo badan, sidoo kalena lasoo gelinayo hub dano gaar ah laga leeyahay, sida uu hadalka u dhigay.
Mar uu ka hadlayay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuu tilmaamay iney mareyso meeshii ugu awooda badneyd, taasoo ka duwan hadallada madaxda Dowladda Federaalka jeedinayaan ee la xiriira in la wiiqay awoodda Al-Shabaab.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ciidamada Dowladda Federaalka ay wiiqantay awoodooda, maantana la heleynin hal guuto oo dagaallami karta.
Mar uu soo hadal qaaday hannaanka dhismaha ciidamada Dowladda Federaalka, ayuu sheegay inuu ku socdo isbedello waaweyn, shaki badanna ay ka muujinayaan in la doonayo in lagu fushado dano gaar ah.
Dhicitaanka doorasho qof iyo cod ah oo ay ballanqaaday Dowladda Federaalka, ayuu Shariif Sheekh Axmed sheegay inaaney xilligani muuqanin saan saanteeda, Dowladda Federaalkana looga baahanyahay iney arimaha doorashada kala hadasho siyaasiyiinta.