Inta la xaqiijiyay 13 ruux ayaa ku dhaawacantay, qarax ka dhashay gaas oo xalay ka dhacay degmada Ufayn ee gobalka Bari oo kamid ah dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland.
Qaraxa ayaa yimid kadib markii ay ku qaraxday haanta gaaska cuntada lagu karsado, taas oo sababtay in dhaawacyo kala duwan ay soo gaaraan 13-ka ruux.
Dadka dhaawacmay 7 kamid ah ayaa lasoo warinayaa iney soo gaareen dhaawacyo daran, kuwaas oo xaaladooda caafimaad laga deyrinayo.
Qoys ka kooban 2 qof ayay markii hore ku qaraxday haanta gaaska, balse waxaa sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay 11 ruux oo gurmad ahaan u yimid goobta, waxaana qaraxa kadib uu dab xooggan ka kacay magaalada kaas oo khasaare geystay in la damiyana ay muddo qaadatay maadaama aysan degmadu laheyn wax dabdamis ah.
Axmed Abshir Siciid oo ah gudoomiyaha degmada Ufayn ugu magacaaban maamulka Puntland ayaa ka warbixiyay sida ay wax udhaceen.
Halkan ka dhageyso hadalka gudoomiyaha oo warbaahinta la hadlay.