Wararka ka imaanaya gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya, in maalintii shalay uu fal dil ah ka dhacay degaan katirsan gobalkaas.
Dilkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacya degaan lagu magacaabo Saamade oo hoostaga degmada Jarriiban ee gobalka Mudug.
Waxaa dilka loo geystay Cabdiraxmaan Muuse Ducaale oo macallin ka ahaa, dugsiga hoose iyo dhexe ee degaankaan hoostagta degmada Jarriiban ee gobalka Mudug.
Ruux ku hubeysnaa qoriga AK-47 ayaa lasoo warinayaa inuu dilka ugeystay macallinka, xilli uu isku diyaar inuu khudbadda Jimcaha ka jeediyo masjid ku yaalla degaanka, iyadoona dilka kadib uu goobta isaga baxsaday gacan ku dhiiglaha.
Maamulka la baxay Puntland oo ka arrimiya degaanka uu ka dhacay falkaaan ayaanan illaa iyo hadda ka hadal dilka loo geystay C/raxmaan oo kamid ah macallimiinta dugsiga hoose iyo dhexe ee tuulada hoostagta degmada Jarriiban.
Gobalka Mudug ayaa kamid ah goballada dhaca batamaha Soomaaliya ee marti galinaya dagaal beeleedyada, waxaana marar badan degmooyin iyo degaanno katirsan gobalkaan ka dhacay dilal salka ku haya aanooyin qabiil.