Galinkii dambe ee maalintii shalay waxaa dalka Koonfur Africa ka dhacay, fal dil ah oo ay geysteen burcad Koonfur African ah kaas oo ay kula kaceen wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa Soomaalida dalkaasi ku nool.
Degaanka Philipi ee hoostagta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu dilay, wiilka dhalinyarada ah oo kamid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ka shaqeysata dalkaas.
Cumar C/laahi Axmed ayaa lagu magacaabaa ganacsadaha la dilay, waxaana ay burcaddu rasaas ku fureem xilli uu ku sugnaa goob ganacsi oo ku taalla degaanka, rasaasta lagu furan ayaana sababtay inuusan nolol dhul la dhicin isla goobtana uu ku geeriyoodo.
Dilka kadib kooxda burcadda ah ayaa meharadda ganacsi ka billaabay dhac baahsan, iyagoona qaatay qaar kamid ah hantidii tiillay dukaankaan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah, iyagoona dilka iyo dhacaba kadib goobta isaga baxsaday.
Boliska Koonfur Africa oo soo gaaray halka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay iney sameeyeen baaritaanno , kuwaas oo aan jirin cid ay kusoo qabteen, waxaana lagu eedeeyaan in waligood aysan soo qaban burcadda dilalka iyo dhaca ku heysa Soomaalida ku dhaqan dalkaas.
Dilalka iyo dhaca loo geysto Soomaalida ku nool dalka Koonfur Africa ayaa noqday wax iska caadi ah, waxaana si joogta ah marar badan dalkaasi kaga dhacay dilal iyo dhac ay geysteen burcadda Koonfur Africanka ah, dhawaan ayayna aheyd markii sidaan oo kale wiil dhalinyaro ah loogu dilay dalka Koonfur Africa.