Waxaa magaalada Muqdisho maanta markale kulan ku yeeshay xildhibaannada dowladda fedaraalka, kuwaas oo ka doodayay qodobo dhowr ah, waxaana kulankooda hareeyay fowdo iyo buuq.
Xildhibaanno katirsan baarlamaaka ayaa eedeymo ujeediyay dowladda fedaraalka iyo gudoomyaha baarlamaanka, waxaana sida caadada u’ah inta badan xildhibaannada hadalka ku kala jarayay gudoomiyahooda Aadan Madoobe.
Dooddii ugu cusleyd waxa ay dhex martay Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo kamid ah baarlamaanka iyo Aadan Madoobe. Xildhibaanka ayaa gudoomiyaha ku eedeeyay in had iyo jeer uu furo kal fadhi aan kooramkiisa dhameyn, balse waxaa hadalka ka joojiyay Aadan Madoobe, iyadoona mar qura uu fadhigu isku badalay fowado iyo buuq.
Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo kamid ah baarlamaanka ayaa isana dowladda fedaraalka ku sifeeyay mid taag daran oo maalinba maalinta ka dambeysa fashilmeysa, waxaana hubkii dhawaan lagu qabtay Caabudwaaq uu sheegay iney qeyb ka aheyd tabar darrida heysata xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.
Xildhibaan Bashiir Americo oo isana kamid ah baarlamaanka ayaa sheegay, in dowladda fedaraalka ay ku jirto xaalad liidnaan ah, islamarkaana aysan noolaan karin shisheeye la’aan. Waxa uu tilmaamay in mar uu tagay xerada Xalane uu ku arkay madaxa sirdoonka ee Itoobiya, isagoo geesta kale iska casilay guddi uu baarlamaanku uxil saaray soo celinta hubkii lagu furtay Caabudwaaq.