Iyadoo dhawaan xukuumadda Turkiga iyo Dowladda Federaalka ay gaareen heshiis dhigaya in ciidamo ka socda Ankara la keeno xeebaha Soomaaliya, halkaasna ka billaabaan qodista iyo sahminta gaaska iyo naftada, ayaa waxaa muuqaneysa in tallaabooyinkan ay si dardar leh ku socdaan.
Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meel mariyay codsi uu usoo gudbiyay Ordogan, kaasoo ah in ciidamo ka socda Turkiga la geeyo xeebaha Soomaaliya, tanina waxay ka dhigantahay in mudooyinka nasoo aadan ay ciiadmadani soo gaari doonaan xeebaha Soomaaliya.
Wasaaradda Tamarta ee Turkiga, ayaa horey u sheegtay in ugu yaraan saddex goobood oo katirsan xeebaha Soomaaliya ay ka billaabi doonaan howsha shidaal baarista, aagagaas ayaana la sheegayaa iney u dhexeeyaan Xarardheere iyo Hobyo oo dhaca bartamaha Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa beylah ka dhigtay kheyraadka Soomaaliya ee noocyada kala duwan leh, waxaana xaraash iyo qiimo jaban noqday dheef weliba oo ay lahayd umadda Soomaaliyeed.
Turkiga ayaa ah dal qeyb ka ah ururka Nato ee uu hogaamiyo Maraykanka, kaasoo duullaanno milliteri ku qaaday caalamka Islaamka, Soomaaliya ayuuna Turkiga ka wadaa boob dhaqaale oo toban sano jirsaday, iyagoo gacanta ku haya ilaha dhaqaale ee wadanka, sida dekadda iyo garoonka.