HomeUncategorizedWasiirka Gaanshaandhigga DF oo Ujawaabay Shariif Sh Axmed.

Wasiirka Gaanshaandhigga DF oo Ujawaabay Shariif Sh Axmed.[DHAGEYSO]

Wasiirka Gaashandhiga ee Dowladda Federaalka Cabdilqaadir Max’ed Nuur ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Shariif Sheekh Axmed, ee ahaa in ciidamada Dowladda Federaalka burburaan, oo aan laga heli karin hal guuto oo dhisan.

Wasiirka wuxuu siyaasiyiinta uu Shariif kamid yahay, isagoo aan magac dhabin ku tilmaamay iney yihiin dad iska hadlay.

Durbadiiba waxaa ka daba hadlay oo shir jaraa’id qabtay Xillibaan Yuusuf Gama’diid oo kamid ah xillibaannada Dowladda Federaalka, kana mid ah xisbiga uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna dhaliil horleh u jeediyay wasiirka Gaashandhiga.

Wuxuu ku eedeeyey inuu isagu sabab u yahay jabka gaaray ciidamada Dowladda federaalka, dagaalkii cuslaa ee Ceel-lahaleyna uu kasoo cararay.

wuxuu sidoo kale xillibaanku sheegay in dagaalkii Cowsweyne jabkii uu gaaray uu isagu masuul ka ahaa, ciidamadana geeyey goobtaas ay ku baaba’een, isagoo ka dhigaya iney tahay goob aamin ah.

Hadlaka wuxuu kusoo aadayaa, iyadoo maalintii shalay shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay Shariif Sheekh Axmed uu sheegay iney burbureen ciidamada milliteriga Dowladda Federaalka.

Halkaan ka Dhageyso Warbixinta Qodobkaas

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular