HomeAll newsMalaayiin Itoobiyaan ah oo Qarka u Saaran Iney Macluul Ugu Dhintaan Gobolka...

Malaayiin Itoobiyaan ah oo Qarka u Saaran Iney Macluul Ugu Dhintaan Gobolka Tigre.

Gobolka Tigreega oo kamid ah gobollada dalka Itoobiya, horeyna u marti geliyay dagaallo culus ayaa waxaa laga soo sheegayaa xaalad adag oo xaga nolosha ah.

Saraakiil katirsan maamulka deegaanka ayaa sheegay iney gobolka Tigreega kajirto xaalad adag oo xaga banii Aadamnimada ah, labo malyan oo qofna ay qarka u saaranyihiin iney u dhintaan macluul daran.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladoodu liidato, sanadkii tagayna aaney gobolka ka da’in wax roobab ah, taasna ay sii kordhisay dhibaatada ka jirta gobolka Tigreega.

Sawirro lagu qaaday satelite-ka ayaa muujinaya goobo ay biyuhu fadhiisan jireen oo xilligan engagan, taasoo ka tarjumeysa xaaladda abaarta ah ee kajirta gobolka, sababteyna macluusha hadda aadka looga dyerinayo.

Dhawaan ayaa jabhadda Tigreega ee TPLF war ay soo saartay waxay ku sheegtay inaaney diyaar u ahayn iney hubka dhigto, illaa laga xalinayo xaaladda nolol xumi ee kajirta gobolka, waxaana dadka arimaha Itoobiya falanqeeya ay sheegayaan iney jirto cabsi la xiriirta dagaallo markale ka qarxa gobolka Tigreega.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular