HomeAll newsAskari Katirsan Dowladda Federaalka Oo Ku Dayacan India.

Askari Katirsan Dowladda Federaalka Oo Ku Dayacan India.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa marka ay dhaawacmaan waxaysan helin wax daryeel ah, inta badanna waxaa la tacaala ehelladooda.

C/raxmaan Macalin Maxamuud, waa askari katirsan DF oo ku dhaawacmay qarax sanadkii 2021 lagula beegsaday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wuxuu si gaar ah kaga tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo uu la shaqeynayay, Kaaraan ayaana qarax lagula eegtay xilli ay gaari ku dhexjireen isaga iyo askar kale.

Kadib dhaawac kasoo gaaray qarxaas gaar ahaan ka haleelay dhabarka, DF oo dayacday, iyo Soomaaliya oo wax looga qabanwaayay dhaawaciisa, waxaa loo qaaday dalka Hindiya, wuxuuna xilligan joogaa magaalada Heydarabaad ee dalkaasi, isagoo ka cabanaya dayaca haysta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular