Iyagoo warbaahinta la hadlayay ayay shacabka ku dhaqan gobalka Wajeer ee dhulka NFD kuna hoos jira gumeysiga dowladda Kenya si’adag kaga soo horjeesteen, lacago uu kusoo rogay maamulka ay Kenya ka dhisatay gobalka.
Waxa ay sheegeen in lacagahaani ay yihiin kuwa dano gaar ah laga leeyahay oo aan waxba loogu qabaneyn bulshada ku dhaqan gobalka Wajeer.
Tuugnimo cad ayay ku tilmaameen tallaabada uu qaaday maamulka ay Kenya ka dhisatay gobalka, iyagoona sheegay in miisaaniyaddaan lagu soo rogay aysan ku xusneyn mashaariic bulshada wax loogu qabanayo.
Halkaan ka Dhageyso Cabashada Bulshada Wajeer