Wasaaradda caafimaadka ee milliteriga Suudaan, ayaa shaaca ka qaaday in inkabadna 10 ruux ay ku dhintene daadad ku dhuftay qeybo kamid ah gobollada dhaca bariga wadankaas.
Daadadka ayaa waxaa dhaliyay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay bariga wadanka Suudaan, gaar ahaan gobolka Kaslaa, halkaas oo ay ku noolyihiin qaxooti badan oo kasoo qaxay guryahooda
Warbaahinta wadanka Suudaan ayaa tabisay, in biyuhu ay harqiyeen teendhooyinka ugu yaraan saddex kaamam qaxooti oo ku yaala magaalada Kaslaa, taasina ay sababtay waxyeello kala duwan oo ay dhimasho kamid tahay.
Ugu yaraan 12 ruux ayaa la xaqiijiayy iney ku dhinteen daadadka ku dhuftay bariga wadanka Suudaan, waxaana suurogal ah in khasaaruhu intaas ka bato, maadaama weli roobabku da’ayaan, biyuhuna ay socdaan.
Gobollada Kaslaa iyo Al-Qadaarif ayaa ah labada gobol ee roobabka mahiigaanka ah ka da’een, waxaana hadda labada gobol looga dhawaaqay xaalad degdeg ah, iyadoo kooxaha caafimaadka iyo badbaadada ka shaqeeya ay heegan ku jiraan.
Gobolka Nahru-Niil ee dhaca wuqooyiga dalka Suudaan, ayaa isaguna waxaa lagu soo waramayaa iney ka da’een roobab xoogan, kuwaasoo harqiyay magaalooyin dhowr ah.
War kasoo baxay booliiska gobolka ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 3 ruux ay ku dhinteen daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah gobolka, muuqaallo ku baahay baraha Internetka ayaana muujinaya biyaha oo fadhiya wadooyinka, meelaha qaarna ka sara maray guryaha.
Inta badan dalka Suudaan, waxaa bilaha 6aad illaa 10aad ka da’a roobab waaweyn, kuwaasoo sababa daadad xoogan, dhaliyana in dadka qaar ay ku dhintaan, halka kuwa qaarna ay hooyo la’aan ku noqdaan.
Xilligan oo uu dalka Suudaan ka socdo dagaallo xoogan oo dhexmaraya milliteriga wadanka iyo kooxda RSF ee gacan saarka dhow la leh Imaaraatka Carabta, ayaa reer Suudana waxay dareemayaan culeesyo adag, mana muuqato ifafaalo ka tarjumaya in dagaalka Suudaan uu soo afjarmo.