Swakopmund waa magaalo dhacda halka ay iska qabtaan saxaraha Namib Desert iyo xeebta Atlanticga ee waddanka Namibia, Koofur Galbeed qaaradda Africa. Waa magaalo sawirkeeda kore uu muujinayo in ay hoy u tahay bulsho qani ah, horumarsan kuna abtirsata xaddaarad ay ka dhaxleen nashqadda dhismeyaasha qaddiimiga ah iyo muuqaalka tagtadu ku xardhantahay. Waase magaalo ku dhisantay dhacdooyin iyo taariikh foolxun kana soo jeedda xaddaarad waxshi ah. Wax aan xaqiiqatan xaddaaradba lagu sheegi karin. Waa magaalo ay aasaaseen askartii gumesytihii Jarmalka oo dhammaadka qarnigii 19aad qayb-dawaco ku helay dhulkan hadda Namibia loo yaqaan. Waa dhismeyaal, waddooyin iyo nashqado laga dultaagay qalfoofta dad la laayay laguna taagay dhididka kuwii la addoonsaday.
Magaaladan waxaa mid ka mid ah makhaayadaha ugu caansan ku leh Haider oo ah islaan Jarmal ah iyo labadeeda gabdhood Silvia iyo Dezarie. Silvia oo ah labada gabdhood midda weyn ayay qabanaysaa kamaradda filim ducummentry ah oo cinwaan looga dhigay “Namibia: Waddan kala qaybsan”. Waxa ay Silvia si xarrago iyo tamashle ku jiro u eryaysaa faras Ashkir ah oo ay jeceshahay in ay subax kasta marka cadceeddu soo baxdo sidan ugu erido saxaraha iyo carrotuurradiisa magalaada deriska la ah. Farasku wuxuu sida qofka filimka codka saaray uu sheegayo la agmaraa subax kasta qubuuraha 80,000 oo qof oo u dhashay qowmiyadda Herero oo ay ciidanka gumeystihii Jarmalku meeshan ku xasuuqeen sannadihii u dhexeeyay 1904 iyo 1908.
Si la mid ah Haider iyo labadeeda gabdhood, waxaa magalaadan si tamashle ah ugu nool kumannaan Jarmal ah oo ah carrurta askartii xasuuqan geysatay iyo wixii ay sii dhaleen oo ku nool nolol dhaqaale ahaan ka sarraysa nolosha 94% dadka waddankan Namibia. Waxaa ka mid ah nin ay isagana mar dhexe kamaraddu qabanyso oo ah ‘mulkiilaha’ beer ku fadhida dhul ka weyn dhulka ay ku fadhido magaalada Berlin ee caasimadda Jarmalku. Beerta ninkan waxaa ka shaqeeya nin u dhashay isla qowmiyadda Herero oo uu ‘mulkiiluhu’ sheegayo in uu shaqaale u ahaa muddo 34 sano ah. Waxaa iyaduna makhaayada ay Silvia iyo hooyadeed magaaladan ku leeyihiin ka shaqaysa gabar u dhalatay isla qowmiyaddan oo sheegaysa in ay afka Jarmalka si fiican ugu hadasho dadka luuqaddan u dhashay ee ay u adeegtaa sida ay u badanyihiin darteed.
Nolosha magaaladan iyo waddankan ee uu soo gudbinayo filimkan oo la duubay sanaddan 2024 ayaa leh taariikh qarni iyo toban sano ah. Waa sawir dib ugu laabanaya soo magacaabistii Jeneral Lothar Von Trotha ay dawladdii Jarmalku usoo magacawday ‘Hoggaamiyaha Guud ee Dhulka Koofur Galbeed Africa ee uu Jarmalku leeyahay”. Soo magacaabistani waxay timid Ka dib kacdoon ay qowmiyadda Herero kaga gilgilatay gumeysigii foosha xumaa ee ay dhulkooda kula wareegeen Jarmalku 1884 uguna bixiyeen magac aan ahayn kii ay awowyaashood u yaqaaneen ayaga oo qaatay kheyraadkii, dhulkii, iyo macal dadkii sida xorta ah waddankan ugu noolaa qarniyada. Maadaama ay qawmiyaddani laysay qaar ka mid ah askartii Jarmalka, waxa uu sarkaalkani u adeegsaday awood ka baxsan wax kasta oo ay haysteen asaga oo aan u aabbayeelin dumar, carruur, waayeel, iyo qof aan hubaysnayn toona. Waxa uuna intii xabbadda ciidankiisa ka badbaaday ku ururiyay xerooyin ay ku dhinteen dad ka badan kuwii xabbaddu laysay oo u le’day gaajaysiin iyo tacdiibin joogto ah.
Waa isla goobta ay xasuuqyadani ka dhaceen halka ay ku taallo magaaladan ay sida damaashaadka leh ugu noolyihiin carruur uu Jeneraal Von Trotha awoow u yahay ayna shaqaalaha ugu yihiin carruur ay dadka qubuurahan ay Silvia faraskeeda ku dul eryaysaa ku aasanani awowyaasha u yihiin. Qaybta, aragtidayda, filimkan ugu xiisaha iyo murugada badani waxay tahay daqiiqadaha yar ee soo gudbinaya labo nin oo u dhashay qawmiyaddan Herero oo ku labisan dharkii ay ciidanka gumeystaha Jarmalku caanka ku ahaayeen ayagoo ku jira booqasho ay rabaan inay ku tagaan qubuuraha awowyaashood oo dadkan la xasuuqay ka mid ahaa. Qubuuraha ay u socdaani waxay ku dhexyaallaan beer ay leedahay gabar Jarmal ah oo usoo istaagaysa marka ay ganjeelka beerteeda soo istaagaan iyaga oo gaari Toyota Hilux ah wata.
“Xageed u socoteen?”, “Yaad fasax ka haysataan?”, “Balan ma qabsateen?” iyo su’aalo la mid ah ay u weydiinaysaa si ay cadownimadii iyo xaqiraaddii awowyaasheed dadkan kula dhaqmi jireen ku dheehanyihiin. “Qubuuraha awowyaasheen ayaan u soconnaa” ayay si caro iyo isgiriirixini ka muuqdaan ugu jawaabayaan mase aha waji ay kusii adkaysan doonaan, maadaama uu isla daqiiqad gudaheedba si edeb iyo niyad jabi ka muuqdaan hadalkoodu u yaraanayo ka dib marka ay islaantu u sheegto in midkiiba laga rabo lacag qiyaastii 30 Dollar ah, ayna qasab tahay inay maalin kale soo laabtan oo aan markan loo oggolaanayn booqashada qubuuraha awowyaashood. Gabar uu dhalay wiilka mid ka mid ah askartii geysatay xasuuqa ay awowyaashood ku dhinteen ayaa ka dalbanaysa in ay lacag ku siiyaan dul istaagga qabriga awowyaashood! Maadaama, sida ay ku andacoonayso, beertani ay tahay dhul ay iyadu leedahay oo aysan cidina fasax la’aan geli karin. Waa beer ku taalla degmo ka mid ah waddan labo jeer ka weyn waddanka Jarmalka oo ay awowyaasheed xoog uga qaateen labadan nin awowyaashood.
Namibia, muddo qarni iyo dheeraad ah ka dib, waa waddan sida la sheego ‘xor’ ah, leh kheyraadka ugu qaalisan adduunka iyo macdanta noocyadeeda kala duwan. Waa waddan aysan isu dhigmin tirada dadkiisa ee yar(2.5 Million), baaxadda dhulkiisa, iyo qiimaha macdanta laga soo saaro ee laga dhoofiyo. Haddana, waa waddan ay dhaqaalehiisa, kheyraadkiisa, waxsoosaarkiisa, awooddiisa siyaasadeed, iyo maamulkisu gacanta ugu jiraan dad ka yar boqolkiiba lix dadka waddanka. Sharikadaha Jarmalka iyo Reer Galbeedka ayaa qota kana dhoofsada macdanta Diamondka oo uu qiimeheedu balaayiin dollar sannadkiiba gaarayo, Shiinaha ayaa gacanta ku haya kaydadka Uraniumka una maamusha sida uu doono, dadka yar ee Jarmalka ah ee loo aqoonsaday in ay mujtamaca waddankan ka midka yihiin ayaa iyaguna leh mulkiyadda 70% dhulka waxsoosaarka leh.
Dadkii waddankan lahaa ayaa, dhanka kale, ku nool guryo cooshado iyo jiingado ah oo laga dhisay meelo ay dawladdu u aqoonsantahay “Dhul sharci darro lagu degganyahay” oo xilli kasta ay suurtagal tahay in cagaf la galiyo. Waxaa dadkan dhulkoodii laga faromaroojiyay tusaale u ah nin filimka qaybihiisa dambe ku jira oo nolol maalmeedkiisa ka raadsada soo ururinta dhagaxaanta qaaliga ah oo midka ugu fiican looga beddesho lacag 200 dollar aan ka badnayn. Waxa uu bishiiba labo jeer caagaddiisa u biyaystaa dhanka saxaraha iyo dhul buuraley ah oo uu isaga oon wax qalab ah haysan ‘macdan’ ka qoto. Wajigiisa, dharka uu xiranyahay iyo rafaadka uu u maro helista hal dhagax oo uu 100 dollar ku beddelan karo ayaa kasoo horjeeda muuqaalka, meesha uu ku noolyahay iyo ladnaanta ka muuqata Harry Schneider Waterberg oo ah ‘mulkiilihii’ aan hore usoo tilmaannay oo lagu dhex waraysanayo beertiisa dalxiiska loo tago ahna, sida ku xusan Websitekiisa, jiilkii saddexaad ee qoyska Reer Waterberg oo 1909 ay dawladdii gumeysigu beertan siisay. Ninkani inta la waraysanyo waxa uu si aan gabbasho lahayn ugu faanayaa taariikhdii awowgi ee u oggolaatay in uu noqdo maalqabeen uu 34 sano u shaqeeyo nin uu awowgii awowgi dilay.
Harry Waterberg waa nin harsanaya hooska geed uu awowgi beeray, halka uu Mondoka(Ninka Reer Herero) lo’da sayidkiisa milicda ku raaco. Labadan nini asal ahaan waa labo Bani-aadam. Ka sokow duruufahooda dhaqaale, ma jirto wax ku tusaya in uu midi ka caqli iyo dadnimo badanyahay ka kale ama uu ka dhalasho iyo Genetics fiicanyahay. Taariikhda, iyo hillinnada ay kala qaadeen labadoodii awow, ayaa ah waxa kaliya ee samayanaya farqiga u dhexeeya labada oo midna dhulkiisii ku addoomeeyay midna dhul uusan lahayn sayid uga dhigay. Sawirka noloshoodu wuxuu tusaale u yahay masiirka ninka dagaalama iyo midka ninka aan dagaalamin(من لم يُقاتل ذلّ لِمن يُقاتل).
Sawirkani, si kasta oo ula fogyahay maskaxda qofka Soomaaliga ah ee daawada, ma aha mid ku kooban waddanka iyo qowmiyadda uu filimkani ka warramayo. Waa, kaliya, sawir muujinaya wajiga galbeed ee xaalad ay waqti xaadirkan ku sugantahay Soomaalida Bariga Africa oo ah mujtamac leh taariikh ka duwan midda qowmiyadda Herero iyo Namibia. Sida Namibia, nasiib darro, Soomaaliya waa labo waddan. Waddan ka kooban xeryo qaxooti, ‘Kaamamka Barakacaayasha’, iyo dariiqyada caasimadda Muqdisho ee ay kumannaanku gaajo awgeed u dawarsanayaan oo dhan ah iyo Villa Somalia, Xalane, Hotel Jazeera, iyo SYL2 oo dhan ah. Waddan koobka shaasha ah lagu cabbo 3 dollor iyo waddan qoyska tobanka qof ka koobani uusan helin nus Dollar celcelsis ahaan maalintii. Waddan ay dadkiisu inta dhargeen sida Farmaajo timobeerasho u jeesteen iyo waddan ay carruurtu 24kii saacba hal mar wax cunto.
Si la mid ah filimka ay Esther Goldman ka samaysay Namibia, waxa uu Telefishinka Aljazeera 9 sano ka hor baahiyay muuqaal gaaban oo cinwaan looga dhigay: “Waxa ka dambeeya darbiga ammaanka ee Soomaaliya”. Muuqaalka ayaa ku bilaabanaya qoraal shaashadda lasoo saaray oo u dhigan sidan: “Waxaa jira labo Muqdishaad. Mid, ay Soomaalidu Xalane u taqaanno, ayaa hoy u ah diblomaasiyiin shisheeye, shaqaaleha hay’adaha gargaarka iyo ciidamada nabad ilaalinta. Darbi dheer ayaana kala qaybiya Xalane iyo Muqdishada kale ee ay malaayiinta Soomaalida ahi baylahda ku yihiin”. Muuqaalka qoraalkan ku xigaa waa gabar si cawaandinnimada dadkeedu ka muuqato u labbisan oo wajigeeda iyo magaceeduba ay bixinayaan tilmaan ah in ay Xabashiyad tahay. Waxaa lagu sheegayaa in ay shaqaalaha UNta ka tirsantahay. Qaybta dambe ee hadalkeeda ayaa la dul saaray muuqaalka mid ka mid ah gawaarida isjiidka ah ee ciidamada shisheeye oo xerada Xalane dhex maraya iyada oo leh: “Waxaad dareemaysaa sida inaad taagantahay labo dhuffays dhexdood”.
Meesha gabadhan muuqaalka Xabashida leh hadalkeeda lagu duubayo waxaa ka dambaysa xeebta Badweynta Hindiya oo sida uu nin kalluumaysato ahi ku warramayo aan loo oggolayn in doomaha Soomaalidu uga ugaarsadaan si xor ah. Kamaradda Aljazeera ayaa isla daqiiqadahan qabanaysa markab weyn oo baroosinku u yaallo isla aagga doomaha kalluumaysatada ka mamnuuca ah. Dabcan, kamaraddu waxba kama sheegayso in uu yahay markab kalluumaysi, mid hub u sida ciidanka gaalada Xalane iyo in uu yahay mid ay ku rarantahay galley dhacday oo lala sugayo inta beeraha Shabeellooyinku kasoo go’ayaan. Muhiimaddu waa hadalka ninka kalluumaysatada reer Muqdisho ah ee oranaya “Nin ciiddiisii ka siko la dhahay shucuurtiisa waad dareemi kartaa”. Muhiimaddu waa in meesha ninkan Muqdisho ku dhashay “ka siko” la yiri ay gabadhan aan isirkeeda la aqooni si xorriyad ah ugu laafyoonayso kuna raaxaysanayso neecawda ay mawjadaha baddu ku babinayaan.
Sawirkan uu muuqaalka Aljazeera soo gudbinayaana waa mid sii foolxumaanaya markasta oo gudaha loosii galo dhulkii Soomaalida(marka laga reebo qayb yar oo xor ah). Djibouti, Soomaali Galbeed, NFD, Waqooyi Galbeed, Bari iyo Koofur Galbeed ayaa si maalinle ah ay kamaradaha Telifishinnnada shisheeyaha iyo Soomaaliduba usoo gudbinayaan dadkii Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan “ka siko” loo leeyahay iyo shisheeye siyaabo kala duwan ugu tamashlaynaya. Soomaalidu, sida reer Namibia, waa dad leh dhul hodan ku ah nooc kasta oo kheyraad ah – dhul si kasta Ilaahay u nicmeeyay kana caaggan dalxumada iyo taxaddiyaadka dabiiciga ah ee dhulalka dadyow deris nala ah. Haddana, waa dal kheyraadkiisii ay guranayaan Yugandhiis, Burundi, Sierra Leone, Xabashi iyo Ina Gumeed kasta oo caqli, xaddaarad iyo dhaqanba ka hooseeyay. Waa dad ay xeebihii dhulkiisa waqti xaadirkan Xabashi usoo tafoxaydanayso go’aansatayna inay xoog ku qaadato. Waa meeshii uu Dhoodaan ka lahaa:
“Waxaa murugo, iyo qoomamo, iyo maaqashiyo ciil leh,
Maskax, iyo garaad, iyo wixii muruqba kaa liitay,
Markuu adigu maalkaad lahayd kaa marooqsado”
Xabashida Nasaarada ahi waa Bani-aadamka ugu damiinsan inta aan dad iyo qowmiyad shisheeye la macaamilay ama sheeko ku maqlay. Waa dad ay ku adagtahay in ay fahmaan dad, dhaqan, arrin, qalab, iyo tiknoolojiyad aysan hore u aqoon si kasta oo ay arrintu u fududahay. Waa dad dhaqan ahaan cawaandi ah oo cuna hilibka qayriin diin ahaanna u aaminsan in ay caday la’aanta iyo afka qarmuuni wanaag yihiin. Haddana, dadkan iyo mujtamaca sidan u liita ayaa gumeysi iyo xoog ku haysta gobolkii ugu ballaarnaa dhulka Soomaalida, ay ciidamadoodu xoog ku joogaan ugu yaraan lix gobol oo ka mid ah intii soo hartay, haddana u hanqal taagaya qaadashada xeebihii ugu taariikhda fogaa dhulkan. Waxa uu qof kastaa isweydiin karaa sirta arrintan iyo waxa keenay isdiiddada ka dhalanaysa kala sarraynta labadan mujtamac dhaqan iyo bulsho ahaan iyo kala taag roonaantooda dhanka siyaasadda iyo awoodda. Waa meeshii uu Dhoodaan mar kale ka lahaa:
“Kudkude iyo kaneecaba intaad naga korraysiiso
Kiinyadii xumayd iyo Axmaar kadaf ahoo liita
Koodhiga inay nagu guraan yaa kasbaday? Mooyi”
Dhoodaan, waxa aan aaminsanahay, in uu aragti fiican ka haystay jawaabta su’aashan, laakiin uu markan door biday in uu sidaa uga gudbo. Malaha si uu wax un firfircooni ah ugu abuuro maskaxda Soomaaligii noolaa dhamaadka qarnigii tagay. Waxyaabaha caddaynaya in uusan abwaanku jawaabta su’aashan mooganayn waxaa ka mid ah sawirka uu ka bixiyay iyo waxa uu ku sababeeyay xaqiiqada taariikheed ee ah in aan Soomaalida loo gumeysan sida dadyowga kale ee Africa loo gumeystay. Gabaygiisii ‘Ha Midowdo’ ayay ka mid ahaayeen meerisyadani:
“Mudadii gumaysigu hantiyey maamulkii dunida
Margiyada dad lago soo xidhoo wada mareegaysan
Oo laga mulkiyey baa badnaa waxay muhiibeene
Soomaalidase dhiig-miiradkii kama macaashayne
Miskiin liita nagamaysan dhigan oo midiidin ahe
Mulbis dhaqankayaga maysan badin amase maydhaane
Mayalkaan u haynay iyo wax badan maalin dirireede
Muruq baan ku daafici jirriyo xoog mataano ahe
Inkastooy madaafiic wateen mooto iyo saanad
Falaadh baan mariidka u darnay iyo maylinkii warane
Maarena baryaan ula tagniyo waliba maadhiine
Milleteri gumaysi ah kolkaan aragno muuqiisa
Dhaaxaay madluun iyo noqdeen mayd la sii wado e”
Si, sidaa darteed, looga baxo foolxumada uu waaqica waqti xaadirku la ciirciirayo; waxaa qasab ah in la maro waddadii shalay looga bedbaaday foolxumadii ay gumeysiga Reer Galbeedku dhaxalsiiyeen dadyow badan. Haddii ay shalay isbahaysigii Ingiriisku “Miskiin liita” naga dhigan waayeen maadaama aan “mayalka u haynay wax badan maalin dirireed”; waxaa qasab ah in uusan isbahaysiga Maraykanku mulkiyi doonin wixii aan muhiibnay haddii aan fallaar mariidka u darno iyo maylinkii waran oo ay madluun iyo noqon doonaan mayd lasii sido. Dabcan, waxaa sida ay sunnadu tahay mar kasta jiraya koox iyo rag u taagan qaadashada doorkan shariifka ah, oo si kasta oo ay u yaryihiin iyagu ah cidda raadka ugu weyn ku yeelanaysa qulqulka taariikhda iyo sooyaalka bulshadooda. Jiritaanka kooxdan ee waqti xaadirkani waa arrin ay Soomaalidu ku muransantahay, laakiin uusan wax shaki ahi uga jirin inta ogaalka taariikheed, wacyiga sarreeya iyo mabaadii’da sugan leh. Waxaa, tusaale ahaan, qof wadciga Soomaalida casrigan ka warqabaa uusan muran ka qabin in aysan jirin ‘labo Jilib’ ama ‘labo Bu’aale’, ama Buq-Aqable ay gabdho Xabashi ahi dalxiis u tagaan. Waxa aysan doodi ka jirin in aysan Kuunyo Barrow Islaamo Talyaani ahi makhaayado ku lahayn fardana ku eryin; in aan beeraha Shabeellaha Hoose dumar Ingiriis ahi mulkiyadooda lahayn. Waxaa jirta, oo ah shayga masuulka ka ah kalsoonida aan mustaqbalka ku qabo, in aysan carruur uu awow u yahay Giovanni Fornari maanta Ceelbuur macdan ka qodan karin.
Waxaa iyaduna jirta, ahna arrinta igu riixday qoraalkan gaaban, xaqiiqooyinka uu qaybta yar kasoo gudbinayo muuqaalka aan xusay ee Aljazeera. Waxaa jirta in uu dhulkii Soomaalidu waqti xaadirkan la ciirciirayo saldhigyada iyo kaareyaasha ciidamo shisheeye oo Nasaaro ah. Saldhigyada ciidamadu waa shayga kaliya ee masuulka ka ah qabsashada bulshooyinka la gumeystay sida qawmiyadaha Herero iyo Nama ee Namibia. Kaareyaasha shisheeyuhu waa waxa kaliya ee oggolaada qaadashada dhul aan lacag lagu beddelan, sadaqo cidi u bixin, dhaxal awoowena aan ahayn. Waa waxa keenay in ay 5 million oo caddaan asal ahaan Netherland ka yimid ahi ay yeeshaan 90% dhulka waxsoosaarka leh ee South Africa. Waa waxa sababay in dhul baaxad leh oo ay khilaafadii Islaamku dhawr qarni ka talinaysay uu maanta yahay taariikh qarniyo laga joogo oo aan xittaa raadkeedu muuqan. Xaqiiqadan ayaa ah midda aan u jeeday in aan xasuusiyo Soomaaliga qoraalkan akhrin doona. Waa xaqiiqada ah in bulshooyinka caalamku isu awood sheegtaan, isqabsadaan, is addoonsadaan; ninka aan dagaalamin ee cadowgiisa u qoordhiibtana birta laga aslo dabadeedna habaaska taariikhdu qariyo. Xaqiiqada ah in haddii uu Soomaaliga maanta nooli doorto waddada isdhiibidda iyo la saayiridda cadowgiisa, uu berri noqonayo mujtamac gun ah, la qabsaday, shaqaalena u ah ninkii qabsaday.
Afeef: Aragtida maqaalka waxaa leh qoraha loomana tiirin karo Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-furqaan.