Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah xillibaannada Baarlamaanka Dowladda Federaalka, ayaa ka hadlay xaaladda amni ee ay ku noolyihiin madaxda iyo xubnaha Dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in xaaladooda amniga ay tahay mid aan wanaagsaneyn, ayna noloshoodo kusoo koobantay iney ku dhex jiraan dhismayaal dhinacyada looga wareejiyay caro iyo dhegxaan.