Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka arimaha dibadda ee Dowladda Federaalka, ayaa isagoo ka hadlayay shir ka dhacay dalka dibadiisa, wuxuu ka hadlay arin xaqiiqo ah oo ka tarjumeysa Dastuurka ay ku dhaqanto Dowladda Federaalka.
Wuxuu sheegay Fiqi, in dastuurka ay soo qoreen Mahiga iyo Xabashida, maantana ay tahay markii ugu wanaagsaneyd oo ay iyagu ka doodayaan dastuurka, sida uu hadalka u dhigay.
Inkastoo dastuur weliba oo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka uu yahay mid baadil ah sida culimadu caddeeyaan, hadana dastuurka gacan ku sameyska ah ee Dowladda Federaalka ayaa asal iyo faracba waxaa iska leh Shisheeyaha.
Dastuurkii ugu horeeyay ee Soomaaliya loo qoro ayaa waxaa soo saaray nin Yahuudi ah oo lagu magacaabo Shibron, burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre kadibna waxaa dastuurkan wadciga ah lagu soo qoray wadamo ay kamid yihiin Kenya.
Ictiraafka Fiqi ee la xiriira in dastuurkooda soo qoreen Xabashi iyo Mahiga oo ahaa ergeygii gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, ayaa ka dhigan qirasho dhif ah oo shacabka Soomaaliyeed dareensiineysa xaqiiqda dastuurkan.
Halkan ka dhagayso Ictiraafka Axmed Macallin Fiqi.