Xillibaan Xasan Cabdi Nuur, oo kamid ah baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa isagoo ka qeybgalayay dood ka dhacday aqalka Baarlamaanka oo looga doodayay arimaha hubka, wuxuu ka hadlay arin lama filaan ah.
Xillibaankan ayaa sheegay in hubkii lagu furtay magaalada Caabudwaaq uu iska lahaa madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud.
Wuxuu intaa ku daray in markii la boobay hubka, uu Xasan Sheekh teleefanka kula hadlay dad deegaanka ah, uuna ka codsaday in arinta hubkan la qariyo, isaguna uu leeyahay.
Illaa iyo hadda waxaa taagan hadalheynta iyo buuqa ka dhashey hubkii lagu furtay Caabud-waaq, Dowladda Federaalka oo hubkaas soo raratay ayaana weli ka meer meereysa iney qirato, iyadoo hubku ku dhex faafay deegaannada iyo degmooyinka gobolka Galgaduud.
Halkan ka dhagyaso hadalka Xillibaan Xasan Cabdinuur.