HomeAll newsCiimdamo Katirsan Dawladda Fedaraalka oo ku Dagaallamay Muqdisho.

Ciimdamo Katirsan Dawladda Fedaraalka oo ku Dagaallamay Muqdisho.

Dagaalkan oo habeenkii xalay ka dhacay magaaalda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa dhexmaray askar kawada tirsan Dawladda Fedaraalka.

Is rasaaseyntan ayaa  si gaar ah ugu dhaxeysay, ciidamada loogu yeero Haracmad ee kamid ah Booliska Dawladda Fedaraalka, iyo kuwa uu watay xildhibaan Beena Beena, waxayna ku dagaalameen aagga wasaaradda Hargaha & Saamaha,

Intii uu socday iskahor-imaadkan udhaxeeyay labada ciidan, waxay halkaasi ku dileen Nin darawal ahaa oo watay gaari iska roge ah, ama cara-gediye ah.

Dhankooda ayagu waxay iska dhaawaceen, hal askari oo katirsan ciidanka loo yaqaan Haramcad.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay askarta Dawladda Fedaraalka ku dul dagaallaam dadka shacabka ah, waxaan marar kala duwan dagaallo dhexmaray ku nafwaayay dad rayad ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular