Ugu yaraan 2 qof ayaa dhimatay, halka 11 kalena dhaawacmeen, kadib markii weerar loo adeegsaday toorrey uu ka dhacay magaallo ku taalla wuqooyiga dalka Ingiriiska.
Magaalada South Port oo u dhow Liverpool ayuu weerarku ka dhacay, waxaana fuliyay weerarka qof dhalinyaro ah oo 17 sano jir ah, kaasoo illaa iyo hadda la ogeyn waxa rasmiga ah eek u riixay weerarka.
Ciidamada booliiska wadanka Ingiriiska ayaa gacanta ku dhigay fuliyaha weerarka, dadka weerarka ku dhintay ayaana ku sugnaa iskuul lagu barto heesaha.
Ilaha caafimaadka ee magaalada uu ka dhacay weerarka ayaa sheegaya in dhaawacyada qaar gaar ahaan labo ruux ay xaaladoodu liidato, suuragalna tahay iney dhintaan.
Ra’iisul wasaaraha wadanka Ingiriiska Kiir Istaarmar ayaa ka hadlay weerarka, wuxuuna sheegay iney la fajacsanyihiin waxa dhacay, ehellada dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmeyna ay garab taaganyihiin.