Kooxaha Muqaawamada Filastiin ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay geerida Ismaaciil Haniyah, oo kamid ah hogaanka sare ee Kooxaha Muqaawamada Filastiin.
Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Tehraan ee caasimadda Iiraan, ayaa lagu dilay Ismaaciil Haniyah, waxaana si rasmi ah geeridiisa ugu dhawaaqay Kooxaha Muqaawamada Filastiin gaar ahaan garabkooda dibadda.
Dowladda shiicada ah ee Iiraan ayaa dhankeeda xaqiijisay geerida Ismaaciil Haniyah oo dalkeeda joogay, waxaana ciidamada Kacaanka Iiraan ay sheegeen iney wadaan baaritaanno la xiriira dhacdada.
Inkastoo aaney Yahuuddu sheegan masuuliyadda dilka Haniyah, hadana waxay fartu ku fiiqantahay xagooda, sida muuqatana sirdoonka Yahuudda ayaa dhexgalay laamaha kala duwan ee dowladda Iiraan.
Hogaamiyaha maanta duqeynta lagu dilay ee Ismaaciil Haniyah, ayaa waxaa horey duqeymo uga dhacay gudaha Qazza ay Yahuuddu ku dileen xubno kamid ah qoyskiisa oo ay kamid yihiin caruurtiisa, walaalihii iyo dad kale.