Dab xoogan ayaa ka socda dhul daaqsimeed caan ah oo lagu magacabo Banka Xaguuga, kaasoo ku yaala dhulka Soomaali-Galbeed ee ku jira gumeysiga Xabashida.
Dhulkan ayaa dhaca duleedka degmada Gaashaamo ee gobolka Jaraar, wuxuuna dabku socdaa muda 4 maalin ah, sida ay soo tabinayaan dadka deegaanka.
Illaa iyo hadda ma cada waxa rasmiga ah ee dabkan kiciyay, mana ahan markii ugu horeysay oo uu dab qabsado dhul daaqsimeedkan muhiimka ah, oo ay ku tiirsanyihiin xoolo dhaqato badan oo Soomaaliyeed.