Qaar kamid ah shaqaalaha isbitaalka magaalada Burco ayaa dhigay bananabax cabasho ah oo ay uga cabanayaan in bilooyin xiriir ah aaney helin wax mushaar ah.
Haween ka shaqeeya qeybaha daaweynta caruurta iyo dumarka ayaa shalay bananabax ku dhigay magaalada Burco, waxayna sheegeen in 8 bilood oo xiriir ah aaney helin wax mushaar ah.
Waxay ku eedayeen wasaaradda caafimaadka ee maamulka labaxay Soomaaliland iney xuquuqdooda ka xayuubsatay, isbitaalkana uu masuul ka yahay qof uu adeer u yahay wasiirka caafimaadka.
Halkan ka dhagayso cabsahada shaqaalaha isbitaalka Burco.