Hogaamiyaha milliteriga Suudaan Cabdil Fataax Al-Burhaan, ayaa ka badbaaday isku dey lagu doonayay in lagu dilo.
Isku deygan oo loo adeegsaday diyaarad drones ah ayaa ka dhacay bariga wadanka Suudaan, lama hayo faafaahin intan ka badan.
Milliteriga Suudaan ayaa war uu soo saaray ku sheegay in diyaarado drones ah ay beegsadeen goob ay ka socotay xaflad qalin jebin oo loo sameynayay ciidamo katirsan milliteriga, ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhimtay halka tiro kalena ku dhaawacmeen.
Wixii kusoo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa Allaah.