Kulan lagu waday in maalintii shalay ay yeeshaan xildhibaannada ismaamulka dowladda Kenya ee ka sameystay gobalka Wajeer ee dhulka NFD, ayaa waxaa hareeryay buuq iyo gacan ka hadal.
Kulanka yaa lagu waday inuu ka dhaco magaalada Wajeer ee dhulka NFD, Buuqa iyo gacan ka hadalka ayaana yimid, kaddib markii baarlamaanka ismaamulkaasi la horgeeyay miisaaniyadda sannadkan 2024-ka si ay u ansixiyaan, balse waxaa taasi ka biya diiday xildhibaanada oo kasoo horjeestay mashruucaas.
Sawirro iyo Muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka ayaa lagu arkayaaa, xildhibaanno abaabulan oo ku sugnaa hoolka golaha baarlamaaanka ee ismaamulka Wajeer oo si adag uga hortagaya xubno doonayay in loo ansixiyo miisaaniyadda 2024-ka ee ay usoo wakiilatay dowladda Kenya.
Xildhibaannada ayaa ku guuleystay inay gacan ka hadal hoolka kaga saaraan xubnaha doonayay ansixinta bajadka miisaaniyadda, qaar ka mid ah xildhibaannada oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in bajadka uu yahay mid diyaarsan oo qole gaar ah ay wadato, isla markaana la doonayay kaliya in la ansixiyo.
Maamulka gobalka Wajeer iyo kan degmada ayay sheegeen in uu ka dhex jiro musuqmaasuq aad ubaahsan, bajadka la horgeeyay oo ay ku tilmaameen mid shaqsi ah ayayna usababeeyeen diidmada iney ansixiyaan.