HomeAll newsIngiriiska Oo Xabsi Daa'in Ku Xukumay Daaci Islaami ah.

Ingiriiska Oo Xabsi Daa’in Ku Xukumay Daaci Islaami ah.

Maxmkadda magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska, ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday daaci lagu magacaabo Anjam Jowdari, kaasoo ay ku eedeysay inuu dalkaasi ka hirgeliyay jamaaco Jihaadi ah.

Maxkamadda Ingiriiska ayaa sheegtay in jamaaco lagu magacaabo Al-Muhaajiruun uu daacigan muslimka ah ka dhisay dalka Ingiriiska toban sano kahor, sidaasina uu ku muteystay in xabsi daa’in lagu rido.

Daacigan islaamiga ah ee sanadihii u dambeeyeyba ku xirnaa dalka Ingiriiska, ayaa kamid ah ducaadda aan Xaqqa la gamba nee kunool wadamada reer galbeedka, waxaana uu si calan ah u taageerayay halganka Jihaadiga ah ee ka socda dunida Islaamka.

Waxyaabaha lagu xusuuusto waxaa kamid ah in Anjam Jowdari, uu hambalyeeyey howlgalladii waaweynaa ee 11 September ee lagu qaaday Maraykanka, wuxuuna mar weliba ka hadli jiray siyaasaadka arimaha dibadda ee reer galbeedka, kuwaasoo ku dhisan dulmiga ka dhanka ah muslimiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular