HomeAll newsMilliteriga Suudaan oo Safaarad Ka Furtay Dalka Iiraan.

Milliteriga Suudaan oo Safaarad Ka Furtay Dalka Iiraan.

Xasan Ciwad Cali, oo ah wasiirka arimaha dibadda ee milliteriga Suudaan, ayaa furay safaaradda Suudaan ee dalka Iiraan, taasoo mudo xirneyd.

War kooban oo kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Suudaan, ayaa lagu sheegay in furitaanka safaaradda Tehraan ay ka dhigantahay dib u bilaabashada xiriirka labada dhinac, kaasoo go’naa muda 8 sano ah.

2016-kii, ayaa hogaamiyihii la afgembiyay ee Cumar Xasan Al-Bashiir wuxuu ku dhawaaqay inuu xiriirka diblumaasiyadeed u jaray Iiraan, kadib markii xoog lagu galay dhismaha safaaradda maamulka Aala-Sucuud ee Iiraan.

21-dii bishan dhamadka ah, ayuu Cabdil Fataax Al-Burhaan wuxuu magaalada Boort-Suudaan ku qaabilay safiir cusub oo ay dowladda Iiraan usoo dirstay wadanka Suudaan, kaasoo lagu magacaabo Xasan Shaah Xuseyni.

October 2023-da, ayaa milliteriga Suudaan iyo dowladda Iiraan, waxaa dhexmaray wadahadallo muda socday, ugu dambeyntiina waxay ku heshiiyeen iney dib u nooleeyaan xiriirkii ka dhexeeyay labada dhinac.

Waxaa muuqaneysa in dowladda shiicada ah ee Iiraan ay sii xoojineyso galaangalka ay ku leedahay Afrika, gaar ahaan dalalka dhaca geeska Afrika, kuwaasoo ay dooneyso iney xiriir dhow la sameysato, taasoo u suurogelin karta helitaanka macaadin qaali ah, iyo in madhabka shiicanimada ku faafiso muslimiinta dhexdood

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular