HomeAll newsGanacsatada Soomaalida ee Islii Oo ay Saameysay Banaanbaxyada Kenya.

Ganacsatada Soomaalida ee Islii Oo ay Saameysay Banaanbaxyada Kenya.

Xaafadda Islii ee magaalada Nairoobi oo ay ku badanyihiin Soomaalida, ayaa waxaa ganacsiga kajira saameyn ku yeeshey banaanbaxyada waayadii u dambeeyay ka dhacay dalka Kenya.

Ganacsatada suuqa Islii ee magaalada Nairoobi ayaa sheegay in suuqa laga dareemayo saameyn la xiriirta banaanbaxyada, ayna yaraadeen dadkii imaan jiray ee macaamiisha ka ahaa.

Waxaa dhinac kale hoos u dhacay adeegyadii ay ganacsatada Soomaalida ka dirsan jireen dibadda, sida dalka Shiinaha, maadaama dadka suuqa imaanaya ay yaraadeen.

Soomaalida ayaa dalka Kenya ku leh ganacsi ballaaran, waxaana mar weliba halis ku jira hantida halkaas taalla, maadaama ay suurogal tahay in la boobo, sidaba horey u dhacday.

Halkan ka dhagayso ganacsatada Soomaalida ee Islii.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular