Illaa 50 Gaadiid oo badeecado sida islamarkaana ka baxay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa ku xayiran, duleedka degaanka Wanlaweyn ee gobalka Sh-hoose.
Waxaa lasoo warinayaa in gaadiidka ay xanniban yihiin, lacago baad ah oo ay isku maandhaafsan yihiin ciidamada dowladda fedaraaalka iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda.
Labada dhinac ayaa mid waliba waxa uu doonayaa inuu lacago baad ah ka qaado gaadiidka, taas oo sababtay in ay lacagta ay isku maandhaafaan.
Xassan Cabdulqaadir oo ah Wasiirka Amniga Gudaha ee maamulka la baxay Koonfur-Galbeed, ayaa xaqiijiyay isbaarooyinka xad dhaafka ah ee yaalla degaanka, islamarkaana lagu dhibaateeyo dadka rayidka ah.
Halkan ka dhagayso Isbaarooyin lasoo dhigay Wallaweyn.