HomeAll newsMaxkamad ku Taalla Kenya Oo Amartay In La Joojiyo Xeerka Canshuuraha.

Maxkamad ku Taalla Kenya Oo Amartay In La Joojiyo Xeerka Canshuuraha.

Iyadoo dalka Kenya ay ka dheceen banaanbaxyo gilgilay caasimadda wadanka, oo ay dadka Kenyaatigu kaga soo horjeedeen xeerka cusub ee canshuuraha, ayaa maxkamad ku taalla wadanka waxay amar ku bixisay in gebi ahaanba meesha laga saaro xeerkaas.

Maxkamadda Racfaanka ee dalka Kenya, ayaa maalintii Arbacada waxay soo saartay qaraar maxkamadeed oo dhigaya in gebi ahaanba laga noqdo xeerka muranka dhaliyay ee ay soo saartay wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Nairobi ee la xiriiray arimaha canshuuraha.

Saddex garsoore oo katirsan maxkamadda Racfaanka wadanka Kenya ayaa sheegay in haddii aaney xukuumaddu u hogaansamin go’aanka maxkamadda, uu gebi ahaanba xeerarka wasaaradda Maaliyadda ay noqonayaan kuwa aan dastuuri ahayn.

Waxaa suuragal ah in xukuumadda uu hogaamiyo William Ruto ay racfaan ka qaadato xukunka kasoo baxay maxkamadda Racfaanka, mar welibana kiiskan la hordhigo maxkamadda saree ee Kenya.

Muwaadiniinta Kenyaatiga ayaa weli careysan, waxaana bishan Augosto ay isku ballansadeen iney dhigaan dibadbaxyo ballaaran oo ka dhaca wadanka Kenya, gaar ahaan magaalada caasimadda, kaasoo ay ku muujinayaan sida aaney marnaba raalli uga ahayn in canshuur kordhin lagu sameeyo.

Canshuur kordhinta, ayaa ah hannaan ay dowladda Kenya u aragto mid ay ku maareyn karto deymaha tiradabadan ee lagu leeyahay, sanad welibana horaantiisa ayay wasaaradda Maaliyaddu soo saartaa xeer la xiriira canshuuraha oo ay meel mariyaan xubnaha Baarlamaanka dalka Kenya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular