HomeAll newsBaarlamaanka Itoobiya oo ka Dooday Heshiiskii uu Abey Axmed La Galay...

Baarlamaanka Itoobiya oo ka Dooday Heshiiskii uu Abey Axmed La Galay IMF.

Dhawaan Hay’adda lacagta adduunka IMF ayaa Itoobiya uballan qaaday maalgelin lacageed oo dhan 3.4 bilyan oo doollarka Maraykanka.

Baarlamaanka dowladda Xabashida Itoobiya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Adis-Aababa ee caasimadda dalkaas, waxa ay kaga hadleen tallaabadaan oo ay ku tilmaameen mid uu dhaqaalaha dalka uu Abey Axmed ugu gacan galinayo reer-galbeedka.

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Xabashida Itoobiya, ayaa su’aalo lagu weydiiyay kulankaan oo laga soo hormariyay mudadii loo asteeyay inuu qabsoomo, isagoo xildhibaannada baarlamaanka lahadlayay ayuu sheegay in lacagaha ammaahda ah ee ay ka heli doonaan Bankiga Adduunka iyo IMF ay sare ugu qaadayaan mushaaraadka shaqaalaha Xukuumadda fadhigeedu yahay Adis Ababa.

Halista laga filan karo lacagaha laga ammaahday IMF iyo sida uu sii ahaan karo suuqa sarifka lacagaha qalaad ee Itoobiya, ayay ku qotontay, doodda ay baarlamaanka Itoobiya ka yeesheen heshiiska cusub ee lagu maareynayo dhaqaalaha Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular