Wararka naga soo gaaraya dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla qeybo kamid ah gobalkaas.
Saldhigga la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa maleeshiyaad Soomaali ah oo daacad u ah Kenya, waxa uuna ku yaallaa deegaanka Buur-hajey oo ah deegaan hoosataga degmada Taagaabo ee gobalka Mandheera ee dhulka NFD.
Ugu yaraan 2 kamid ah maleeshiyaadkii goobta ku sugnaa ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana intaa dheer oo ay ciidamada Al-Shabaab dab qabad siiyeen, xarunta ay Sharikadda Safaricom ay ku laheyd gudaha saldhigga, Mooto iyo Teendhooyinkii halkaasi ku yiillay, halka laga soo furtay agabyo kala duwan oo kuwa ciidanka ah.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala goballada NFD iyo Lamu ayaa waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan Mandiqadda, kuwaas oo lagu beegsado askarta Kenya iyo dadka Kirishtanka ah ee lagu beero dhulalka Muslimiinta.