Xillibaan katirsan Baarlmaaanka Dowladda Federaalka ayaa duullaan ku tilmamaay mashruuc loogu magacdaray Dad Dhigista oo uu Maamulka GObolka Banaadir ku dhawaaqay.
Xillibaanka oo lagu magacaabo Xirsi Aadan, wuxuu si adag uga horyimid mashruuca uu maamulka gobolka Banaadir ku sheegay iney ku diiwaan gelinayaan dadka dhinta, kuwa dhasha iyo dadka is guursanaya, wuxuuna arinkaasi ku tilmaamya duullaan lagu soo qaaday shacabka Muqdisho, oo sababi kara iney bulshadu kacdo.
Mar la waydiyay waxa ka dambeeya in maamulka gobolka Banaadir go’aankan soo saaro, ayuu sheegay inuu yahay mid dhaqaale uruursasho ah, oo la doonayo in hantida shacabka Muqdisho lagu qaato, uuna la mid yahay mashruucii faagista qubuuraha ee hadana lagu xiray in qofku warqad soo jarto, si uu meydkisa ula baxo.