Habeen kii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weeraro ku qaadeen, fariisimo ay askarta shisheeye ku leeyihiin degmooyin katirsan goballada Gedo iyo Hiiraan.
Haddaan ku horreyno Gedo, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday, farisin ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin, garoonka degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo.
Illaa iyo hadda ma aanan helin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan khasaaraha ciidanka dowladda Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weerarkaas.
Sidoo kale Waxaa habeenkii xalay ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen, saldhig ay askarta Jabuuti ee qeybta ka ah shisheeyaha dalka kusoo duulay ku leeyihiin degmada Jalalqsi ee gobalka Hiiraan.