Maamulka Islaamiga ah ee Jubbada Hoose, ayaa mashruuc isuga jira baaritaanno caafimaad iyo dawo qeybin wuxuu ka sameeyey deegaann hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Mashruucan ayaa waxaa ka faa’ideystay inkabadan 100 ruux oo aad ugu baahndaa gurmadkan, kuwaasoo ku nool duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Wilaayada Islaamiga ee Jubbada Hoose, ayaa deegaannada ay maamusho waxay waayadii u dambeysay ka fulisay mashaariic kala duwan oo waxtar u ah bulshada, waxgaradka ayaana aad usoo dhaweeyey tallaabooyinkan.
Halkan ka dhagayso dadka ka faa’ideystay mashruucan iyo shucuurtooda.