Magaalada Hargeysa oo ah xarunta maamulka la baxay Somaliland ayaa lasoo sheegayaa, in mudooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanayeen Eeyaha, kuwaas oo dhibaato ku haya dadka.
Bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa ka qeyla dhaamiyay, dhibaatada ay Eeydu ku heyso degaanka, waxaana marka laga yimaado dhibaatada ay ku qabaan ay Eeydu qudhoodu wajahayaan mid uga imaaneysa dadka.
Wadooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa lagu arkayaa Eey raxan raxan usocota, kuwaas qaarkood la sheegayo ineyba cunaan dadka iyo xoolaha.
Waa kuwaan qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa oo ka hadlay dhibaatada ay ku qabaan Eeyda.
Halkan ka dhagayso Cabashada Bulshada magaalada Hargeysa.