Wasiirka arimaha dibadda Turkiga Hakan ayaa booqasho ku tagay dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaare Abey Axmed iyo xubno kale.
Socdaalkan ayaa qeyb ka ah isku dayo uu Turkigu ku doonayo inuu ku dhex-dhexaadiyo Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, inkastoo aan la helin xogta rasmiga ah ee ay labada dhinac ku wada hadleen.
Dowladda Federaalka ayaa dooneysa halkii Itoobiya ay heshiis kala gashey maamulka Soomaaliland, in heshiiskaas iyagu saxiixaan, macaashkiisana qaataan.
Dhawaan ayay ahayd markii dalka Turkiga uu ka dhacay kulan dhexmaray wasiirada arimaha dibadda ee Itoobiya iyo kan Dowladda Federaalka, kulankaas oo ay garwadeyn ka ahayd Ankara, laakiin kama soo bixin wax natiijo ah.
Itoobiya ayaa ku dhegan inuu sharci yahay heshiiska ay ku boobeyso badda Soomaaliya ee ay horey ula saxiixatay maamulka labaxay Soomaaliland, dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh waxay iyaduna dooneyso in heshiiskaas laga laabto, taas bedelkeedana ay iyadu saxiixo heshiis horleh oo Itoobiya lagu siinayo badda Soomaaliya.
Dowladda Turkiga waxay dhankeeda dooneysaa iney dhinaceeda ka boobto badda Soomaaliya, horey ayaana loogu saxiixay iney qaadato shidaalka badda Soomaaliya, iyadoo heleysa 90% shidaalka Soomaaliya, halka 10% la siinayo Dowladda Federaalka, sida ilo xog-ogaal ah tilmaamayaan.