HomeAll newsXildhibaan Jeesow oo Lagu Eedeeyay in Isbaarooyin Badan uu Dhigtay Sh-hoose.

Xildhibaan Jeesow oo Lagu Eedeeyay in Isbaarooyin Badan uu Dhigtay Sh-hoose.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa xargaha xoogtay isbaarooyinka yaalla degmada Wanwalneyn ee gobalka Sh-hoose iyo duleedkeeda, kuwaas oo ay dhigteen askarta dowladda fedaraalka iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Xassan Cabdulqaadir oo ah Wasiirka Amniga Gudaha ee maamulka la baxay Koonfur-Galbeed, ayaa sheegay in isbaarooyinkaas ay uyaallaan Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah baarlamaanka dowladda fedaraalka.

Waxa uu tilmaamay in maaalintii ay isbaarooyinkaasi kasoo gasho lacag ka badan 10-kun oo dollar, isagoona sheegay in ay leyn doonaan askarta Jeesow.

Balse Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hadlay eedeynta loo jeediyay ayaa sheegay, in wasiirka uu hadalkaasi dhiigooda ku banneysanayo maleeshiyaadkiisa, isagoo hadalka wasiirka ku tilmaamay mid colaadeed.

Halkaan ka Dhageyso Faahfaahinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular