HomeAll newsCudurka ku Dhaca Daanyeerada oo Laga soo Calaamadeeyay Dalka Kenya.

Cudurka ku Dhaca Daanyeerada oo Laga soo Calaamadeeyay Dalka Kenya.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dalka laga heley qofkii ugu hroeeyay ee qaba viruska cudurka ku dhaca daanyeerada.

Gobolka Tayta Taaviita ee wadanka Kenya ayaa laga soo calaameedeeyy viruskan, waxaana qofka laga heley la sheegay inuu ka yimid dhanka Tanzania oo ay deris yihiin dalka Kenya.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Kenya ayaa dhakhaatiir u dirtay goobta laga hleey cudurkan, si looga hortago inuu kusii faafo wadanka, dhakhaatiirta caafimaadka ayaana wada baaritaanno lagu ogaanayo inuu cudurku sii gudbay iyo inkale, si loo xakameeyo cudurka.

Cudurka Viruska ku dhaca Daanyeerada ayaa kamida ah cudurada sida ba’an ugu baahsan wadamada Afrika, waxaana 2022-kii Afrika ugu dhintay 1450 ruux, sida ay sheegtay xarunta la dagaallanka cudurada ee qaaradda Afrika.

Sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa la diiwaan geliyay in cudurka uu ku dhacay kudhawaad 15 kun oo qof oo ku nool qaaradda AFrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular